Daawo:Doorashada Jubbaland oo degaano kabaxsan Kismaayo lagu qabanyo iyo Dowlada oo dhaliil loo soo Jeediyey

axmed

Magaalada Kismaayo Waxaa Jira Dhibaatooyin ay Axmed madoobe iyo Kooxdiisu ay ku hayaan shacabka Jubbaland kuwaas oo isugu jira dilal, dhac hanti shacab, Masaafurin lagu hayo siyaasiyiinta, waxgaradka dhaqanka, Culumada, haweenka, Wariyaasha, dhalinyarada iyo Xildhibaanada ka fikrad duwan axmed madoobe.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu sheegay Kismaayo inaysan Xor ahayn laguna dhibaataynayo shacabka Jubbaland meel sidaas ahna aan lagu qaban Karin doorasho xora.

Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Deeq Faandhe ayaa waxuu sheegay Jubbaland inaysan Kismaayo kaliya ahayn waxaana lajoogaa xiligii Doorashada Jubbaland ka dhici lahayn Deegaanka Xorta ee Jubbaland sida gobolka labaad ee Soomaliya ugu wayn ahna Gobolka Jubbaland ugu wayn ee ah gobolka Gedo.

Dhanka Kale waxuu Musharaxa Madaxwyanaha Jubbaland ku eedeyey Dowlada Soomaliya inay axmed madoobe iyo kooxdiisa oo godayn ah ay albaabada u furtay taas oo keentay hantidii ay dowlada siisay taliska axmed madoobe in lagu dhibaateeyo shacabka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.