Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa Nairobi kula kulmay Madaxwaynayaasha maamulada Jubbaland Axmed madoobe, Puntland saciid Cabdulaahi Deni iyo Galmudug
Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf.
Madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Galmudg ayaa waxay safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaliya kala hadleen sidii dhaqaalaha Dowlad Soomaliya lasiiyo loo Joojin lahaa iyo waxii hada ka dambeeyna Maamul goboleedyada si toosa beesha Caalamka dhaqaalaha usiiso.
Safiirka Maraykanka Soomaliya u fadhiya Ambassador Donald Yamamoto ayaa nimankaan waa wayn ee matala Sadex maamul goboleed waxuu usheegay inay Dowlad Soomaliya shaqo fiican qabatay sida ladagaalanka Musuq maasuqa, Nidaaminta shaqaalaha Dowlada oo ay ku jiraan Ciidamada, ka shaqeynta sidii Soomaliya daynta looga cafin lahaa.
Ugu dambayntii Safiirka Maraykanka ayaa waxuu xasuusiyey Madaxda Maamul Goboleedyada inaan la joogin xiligii qala qalaaso laga abuuri lahaa Soomaliya ee la joogo xiligii Horumarka iyo dib u soo celinta Dowladnimada Soomaliyeed.
Leave a Reply