Muwaadin Saasaale oo si sharci darro ah ugu xiran maamulka degmada Baledxaawo.

saasale

Mudo 8 bari ah waxaa si sharci daro ah ugu xiran maamulka Degmada Baledxaawo, muwaadin Maxamed Cismaan Xasan oo loo yaqaano “Saasaale”. Waxaa xiratey ayadoon Dacwo u marin Canab kululi waxaa ayna u adeegsatey 3 nin oo maamulka Mesha ah oo kala ah Jamaal Hassan sareey, Buule Qaloocoow iyo Cali Hassan deer oo ku magacaban taliyaha nabad sugidda jubbaland qeybta gobolka gedo.

Waxaa la sheegay in canab kululi ay u xiratay saasaale Dhul Garbahaarrey ku yaalo oo ay ninkaan isku heystaan Nuur caato oo Canab kulule ninkeeda ah, Kaasi oo dhowr Mar kiiska dacwadiisa ay qaaday maxkamada degmada Garbaharey.

Saasaale ayaa ah ganacsade dagan degmada baledxaawo ee gobolka gedo, waxayna sheegeen shakhsiyaadka soo xiray in aan xitaa la booqan karin si xaaladiisa wax looga ogaado. Ehelada Saasaale ayaa isku dayaya in ay arinkani wax kaqabtaan waxaase muuqata in caalwaa ay taaganyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.