Shirkaan oo labadii bilba mar la qabto si looga arinsado xaaladda dalka iyo mashaariicda xasilinta waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda FS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana goob joog ka ahaa lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Wasiirada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedyada iyo deeq bixiyayaasha taageera howlaha xasilinta.
Waxaa si gaar ah diiradda loogu saray shirkaan wax ka badalka qorshaha wadajirka ah ee xasilinta deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab gaar ahaan deeganadii ugu dambeeyay ee gacanta argagaxisada laga saaray, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshuiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.
Leave a Reply