
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka, kaas oo horay Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo marsiiyeen Akhrinta Koowaad,waxaana kulanka Maanta Isniintii la soo dhaafay u baaqday kooram la’aan.
Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa dhawaan shaaciyey inay jiraan in ka badan 143 mudane oo fasax la’aan kulamada Baarlamaanka uga maqan,iyaga oo ku eedeeeyey xil-gudasho la’aan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa inta ay ku guda jiraan kal-fadhiga 5aad waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah iyo ajendooyin dhowr ah oo u baahan inay ansixiyaan ama qaarkood ay wax ka bedel ku sameeyaan.
Leave a Reply