Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga iman jiray magaalada Muqdisho kuwaasoo ka degi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray magaalada Muqdisho, kuwaasoo tagi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Khamiistii ay soo gaartay warqad ka soo baxday laanta duulista Hawada ee dalka Kenya, taasoo ku xusneyd in wixii ka dambeeyay maanta oo Jimco ah 10-ka May, diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Leave a Reply