Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo shir saxaafadeed qabtay maanta ayaa sheegay in hogaanka dambi baarista ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Jamaaludiin Xasan Xirsi oo ka shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada, kaasi oo lagu eedeynayo in uu bixiyay imtixaankii dowladda ee la qishay.
Taliyaha ayaa xusay in baaristu ay tahay mid bilow ah ayna socoto weli, isla markaana sharciga la marsiin doono inta ku lug yeelata kiiskan.
Leave a Reply