Maxay Somaalida Uga Argagaxday Mapka Itoobiya Sameysatay

calan

Aniga shaqsi ahaan wax la yaab ah iguma abuurin, waayo waxaan la socdaa in arintaas ka facweyn tahay soo gelitaankii gumestihii caddaanka ahaa qaarada Afrika,waana tii uu ka dagaalamay Axmed Gurey.

Dhinaca kale miyeyna ogayn in Boqor Mililik uu ka qaybgalay shirkii 1884 ee Barliin ee lagu qaybsaday Afrika dhulkii Soomaaliweyn ee gumeystuhu shanta u qaabiyey uu asagu sheegtay in uu ka tirsan yahay Itoobiya,markii denbana Soomaligalbeed saas lagu siiyey markii riyadiisii weyneyd hirgeliweyday.

Mayeysan  la soco 1977dii shirkii Afrika  ee ay ka wada qayb galeen Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo conolal Mingeste ee uu shirka ka yiri Gobolka yarkaa ee la baxay Soomaaliya waa falaago ka go,day Itoobiya ee waa in lagu soo daraa,haddii aan Afrika gacan igu siina anaa Xoog ku soo celinaaya.

Isla minidkaas Jaalle maxamed Siyaad Barre shirka waa ka baxay,wuxuuna u soo jahaystay dhanka Muqdishou,warku waa na soo gaaray waxaana la sii abaabulay shir dadweyne,waxaan joogay Degmada Hawlwadaag,dadkii Muqdishou ku noolaa waxaan dhihi karaa  intii badneyd waxay iskugu timid Beerta Daraawiishta dadkana qaar u yaqaan Taalada Sayidka,ilyarta baa is qabsatay,Jaalle Maxamed Siyaadna wuxuu soo istagay halkaas salaada casar dabadeeda,wajigiisa caraa ka muuqatay,umana maleynaayo in dharkii uu safarka uga yimid iska bixiyey,waxaan xasuustaa in dadku isriixriixaayey oo wadooyinka hareeraha mara oo dhan gaadiidka laga xiray,qof kastana lahaa madaxweynaha ku dhowoow aad aragtide ciidamadana ay ku adkaatay in ay maareeyaan amaanka,laakiin markuu arkay buu ciidankii amaray oo yiri ka soo dhex baxa dadka oo daaya war idinku hays jiirinenee fariista,qof kastana halkii uu taagnaa buu fariistay,in yar oo qiira lahayd kuna saabsaneyd hadalkii Mingeste Hayle Maryam iyo in uu shirkii ka soo baxay markii madaxdii Afrikaanka ahayd ayyan arintaas ka jawaabin buu noo sheegay,wuxuuna ku soo gabagabeeyey(HADLKA BADAN EE MINGESTE HAWL BADAN BAAN UGA JAWAABAYNAA EE U DIYAARGAROOBA)Waan garanay wuxuu u jeeday in uu dagaal iclaanshay sacab iyo mashxarad baa is qabsaday.

Waa la ogaa in ciidamada cirka ee itoobiya kuweena ka sareeyeen laakiin ciidanka lugta ee Soomaaliya iyo madaafiicda goobta oo ayyan u babacdhigi Karin baan lahayn,sidaas awgeed  Gobolka Banaadir oo shiray waxaan go,aansanay in ciidankeenu ka maarmaan dab ay shitaan oo diyaaradi ku soo raacdo,waxaana degma kasta laga diyaariyey 1500 oo teneg oo hilib nuqmad ama oodkac iyo timir todoba  maamlmood gudohood,haweenka Sooamaaliyeed baa suurtageliyey,aan soo gabagabeeyee Jaalle Maxamed wuxuu ku dhaaranaayey ee dagaalka ku galay waxay ahayd shacbiga Soomaaliyeed oo mideysnaa karaamadoona wada ilaashnayey,waxayna dhalisay in 24 maalmood ciidankii Itoobiya ee loo yiqiin Libaaxyada Afrika aan u bedelnay bisadaha Afrika.

Aan dulucda u dhaadhoco arinta waxaa igu kalifay maabkii qaarada Afrika ee Soomaliya laga waayey sida naxliga leh ee ay uga jawaabeen dad waxgarad isku sheegaayey oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha Dibada Yuusuf Garaad oo aan jeclaan lahaa in qoraalkaan uu gaaro(FARTII DAAHIRA BAA WAX DAAHIRISA),horta annaga Soomaalida ah ma is aragnaa sida wax  naga yihiin,ila eega arimahaan;-

-Federaal Qabiileysan,dawlado,Madaxweynayaal,Baarlamaano,Gola wasiirayaal,ciidamo aan kala amar qaadan dhamaaantood sow arintu noqon mayso (QOORI XERA KUMA HESHIISO),aan sharaxee  xeradu waan tan xoolaha hamaynkii lagu hoosto,haddii lo,da dibi badan loodaayo,geelana awr badan ama ariga orgi badan leeyahay lagama yaabo in xooluhu xerada ku jiraan oo dagaal aan kala go,lahayn baa ka dhex dhasha,ayyaga oo islaaya,xoolaha oo qaar jajabo iyo ayyaga oo xerada ka daata oo bahalada baylah u noqda baa ka dhalata sidaas awgeed inta xiniin yahay laga bixiyo baa mid laga soo reebaa.

Soomaaliyee awrta faraha badan oo shisheeyuhu geelayaga ku daayey intaanaan Fiila Soomaaliya Farta ku fiiqfiiqin ma xaniinyo bixinaa oo mid ma ka soo reebnaa,mase ka hadalnaa federaalka qabyaaladeysan iyo calamada badan oo aanaan anagu samaysan,maaxdse uga hadli la,dihiin dadka shisheeyaha u shaqaynaaya oo kolba yaa Soomaaliya col la ah danaha ka raadsanaaya,bal eega shalay Imaraadka bay ahayd ,Maanta waa Keenya waana hubaa in haddii xaalku sii socdo Addis Ababa lagu arki doono.Madaxda Fiila Soomaaliya waxay awoodaa oo kaliya in ay Dawlada Itoobiya weydiiso maxaad Maabkaas uga jeedaan?Intaas wey sameeyeen,jawaabna la soo sii.(RUQO NINKII LAHAA SAYNTA UGA TAAGAN YAHAY LAMA KICIYO)kala qaybsanaanta ma ka baxnaa oo dalkeena ma difaacanaa Soomaaliyeey,mise kuwa shisheeyaha u shaqaynaaya haddana Fiila Soomaliya farta noogu fiiqaya baan sacabka u tunaa, hawdhowna goor aan goor ahayn baan xeerada salkeeda iskugu Imaanaa?

Wabilaahi towfiiq,

Jimcaale.

1 Comment

  1. Jimcaale,

    Asalamu calaykum

    Mahadsanid sida aad noo xasuusisay sida wax ahaan jireen. Dalalka nagu hareersan mid federal leh ma jiro; haduu jirana wali waa hal wadan oo dal goboladiisa ay sidii dalal madaxbanaan u dhaqmaan ma jiro.

    Itoobiyase, failed state (dal fashilmay #15). Guud ahaan, nasiib wanaag oo Alle mahadii iyadaanba wax saas ah naga roonayn. Hadii dadkeedu kaco oo dhaqaalexumo, colaad iwm ay ku habsadaan waxay noqon ugu yaraan 7 dal: Somaligalbeed xorowda, dal Oromo, dal Harari, dal Xabashi, dal Tigre, iyo qowomiyadaha koonfureed 2 iyo 1 kuwa Waqooyi.

    Waa sidaad u sheegtay; arintu 100 sano ka badan ayay soo jiitamaysay.

    Kaaga darane, Kiinya ayaa bar taa ka hoosaysa taagan oo dalal cusub ka askunmi Xeebta (Mombosa), Kikiyu, degmooyin Tanzania ay qaadato iyo gobalka koonfur Somalia (NFD) oo xorooba. Sanadba sanadka ka dambeeya Kiinya dalalka fashilmay ayay kaabada kor u sii fuushaa 20 2015, 18 2016 17 2017 ma eegin labadan sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.