Hogaamiyaha Jubbaland ee fashilmay AxmedMadoobe ayaa qaar kamida shacabka Kismaayo maanta salaada ciidul fidriga kula tukaday Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.
Dhinaca kale wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.
Axmed madoobe ayaa ugu baaqay Shacabka Jubbaland midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay.
Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ayuu Axmed madoobe sheegay in cidii damac uu ku jiro ay marto iyo shuruucda kale ee Jubbaland u yaala balse aan la aqbalaynin fara galin isagoo si gaar ah u xusay in warqadii dhawaan ay soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha aysan ahayn wax Jubbaland u yaala. Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro.
Axmed Madoobe ayaa ugu dambayntii Odayaasha dhaqanka Jubbaland ugu baaqay in ay kasoo dhalaalan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda soona keenaan sadex Xildhibaan oo uu kala doorto.
Leave a Reply