
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.
Guddoomiyaha oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.
Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami dhaxal gal ah oo adkeysi u leh biyaha roobka, isla markaasna lagula xisaabtamayo dhismaha jidadka oo ah hanti guud ah.
Leave a Reply