Askari Lagu Dilay Kismaayo iyo Cabsi soo Foodsaartay Bulshada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa toogatay Askari katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa bilaabay howlgalo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay Dilka askariga oo la sheegay in ay baxsadeen.

Waa qofkii labaad oo Magaalada Kismaayo lagu dilo muddo 24-saac ah, toogashada askariga waxaa ka horeeyay dil loogu geystay Cabdiqaadir Ibraahim Xasan (Gaari) oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka.

Shacabka Jubbaland gaar ahaan kuwa kusugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo foodsaartay Cabsi lamana oga waxu uu xaalka noqonayo iyadoo Jubbaland ay ka dhici doonaan Doorashada Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka Maamulkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.