Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa qabatay kulan diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud ee Jubbaland waxaana shir guddoominaayey Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur.
Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Booliska gobolka Jubbada Hoose Gaashanle Sare Maxamed Naasir Guuleed Xassan, Saraakiil sare oo ka socotay hogaanka Nabad-sugidda iyo dambi barista Jubbaland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Generaal Aadan ibraahim Maxamuud.
Wasiirka Jubbaland amniga Jubbaland ayaa Beeniyey in maamulka uu Hogaamiyo Axmed madoobe ka dambeeyey Dilka Ibaraahim Cabdiqaadir Xasan.
Leave a Reply