Kenya oo Jabuuti kala Hadashay qilaafka kala dhaxeeya SoomaliyaWasiirka Arrimaha dibada Dalka Kenya Munica Juma ayaa waxay Magaalada Jabuuti kula kulantay Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Madaxwaynaha Dalka Jabuuti ayaa marka hore waxuu ka gudoomay Wasiirka arimaha Dibada Dalka Kenya Salaan ay uga waday Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Wasiirka arimaha dibada Dalka kenya Muna Juma ayaa waxay kala hadashay Madaxwaynaha Jabuuti Qilaafka kala dhaxeeye Dalka Soomaliya kaas oo Dowlada Kenya doonayso in si wada hadala lagu dhameeyo waxayna Dowlada Jabuuti ka codsatay inay dhex dhexaadiso Somaliya Iyo Kenya.
Dowlada Soomaliya ayaa waxay horay udiiday inay gorgartan kala gasho Dowlada Kenya Muranka Bada ee kala dhaxeeya waxayna Soomaliya ku adkaysatay in laga war dhowro Go’aanka Maxkamada Caalimiga ah.
Leave a Reply