Deni oo dal ku gal kusoo rogay Somaalida iyo dadka Ajnabta ah

deni

Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in deeganada Puntland lagu gali doono Visa, wixii hadda ka dambeeya islamarkaana qofkii Visa la’aan gala deeganada Puntland sharciga la horgeyn doono.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Puntland.

Waxa uu sheegay qof kasta oo soo galaya deeganada Maamulkaasi in laga doonaayo Visa sharci ah inuu ku soo galo.

waxuu intaa ku daray Wasiir kuxigeenka Aminga in dalka Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa Visa cid kasta oo tahriib iyo sharci darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.