Sawiro:Gadiidlayda Degmada Ceelwaaq oo diiday lacag lagu soo rogay

Gadiidlayda Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxay diideen lacag lagu sheegay diiwaan galin oo ay kusoo rogeen Maamulka Degmada Ceelwaaq iyo Ciidamada Kenya ee halkaas kusugan.

Gadiidlayda Degmada Ceelwaaq ayaa waxay warbaahinta Gedotimes u sheegeen inaysan bixinany lacagtaan lagu sheegay Diiwaangalinta taas oo ah mid dulmi ah.

Maamulka Degmada Ceelwaaq iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ayaa maanta Gawaaridii diiday lacagta diiwangalinta kuwada bakin gareeyay Saldhiga Boliiska Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.