Ciidamada amaanka Jubaland ayaa xalay howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ah maamulka Jubaland waxaana lagu soo qabtay qaar kamida shacabka isbadal doonka Jubbaland..
howlgalkaan magaalada Kismaayo looga sifaynayo mucaaradka Axmed adoobe ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro kuwaas oo lala xiriirinayo inay xirir dhow la lee yihiin musharaxiinta jubbaland iyo dadka isbadaldoonka ah ee kasoo horjeeda hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Hogaamiyaha jubbaland Axmed madoobe ayaa waxuu wadaa abaabul uu kaga hortagaayo dadka mucaaradka ku ah waxuuna qaban qaabiyey qarashana ku bixinayaa sidii mar kale kursiga ugu soo noqon lahaa.
Leave a Reply