Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Diyaaradaha kenya Duqayn cirka ah u gaysteen Tuulada Cowsqurun oo hoos timaada Degmada ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararka waxay intaas ku darayaan inay jiraan qasaaro soo gaaray shacabka Tuuladaas waxaa duqaymahaas ku dhintay Hal qof oo shacabka waxaana ku dhaawacmay laba kale.
Ma ahan Markii ugu horeysay ee Ciidamada kenya dhibaato ka gaystay Gobolka Gedo iyo deegaanada Jubbaland waxayna horay Ciidamada kenya oo adeegsanaya Diyaaradahooda dilal iyo dhawaac ugaysteen shacab Farabadan waxayna kaloo laayeen Xoolo farabadan.
Leave a Reply