Sawiro:Xaaf oo kala garanwaayey 91kii iyo 2019

Wararka naga soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul goboleedka Soomaliyeed Galmudug ayaa waxay sheegayaan Ilaaladii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ay Garoonka Diyaradaha Magaalada dhusamareeb ku gooyeen gadiid dagaal si ay uga hortagaan wafti uu Hogaaminaayo Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya oo kusoo wajahan Dhusamareeb.

Ciidamadii Ahlusuna oo ka amar qaata Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Shaakir ayaa waxay ku baxeen garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamreeb waxayna ku guulaysteen in garoonka ka cayriyaan ilaalidii Xaaf waxaana hada furan Garoonka diyaaradaha Magaalada dhuusamreeb.

Waxaana dhawaan lafilayaa inuu kasoo dago Wasiirka arimaha Gudahah Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.