Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen horjooge Xuseen Xasan Cambeer oo horay ugu tirsanaa nabadiidka Al-shabaab.
Sidoo kale horjoogahan isa soo dhiibay ayaa Argagaixisada u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay nabad diidku ugu yeeraan kooxda jugta culus.
Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Ismaciil Sheekh Isxaaq ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa horjooge sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.
Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista horjooge Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Nabad-diidka, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.
Leave a Reply