
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:-
- Hindise Sharciyeedka Wadooyinka.
- Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona.
Leave a Reply