Akhriso:Dowlada Soomaaliya oo ka hortimid liiska Been abuurka ee Odayaasha Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay Liiska Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha  ayaa sheegtay in Liiska been abuurka ah ee Odayaasha dhaqanka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland in uusan waafaqsaneyn diiwaanka Wasaaradda ee dhaqanka rasmiga ah ee Beelaha Jubbaland.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka digtay khatarta ka imaan karta soo xulista Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka bilaabato deegaanada Jubbaland.

Dhawaan Bay ahayd Markii Guddiga Doorashda Jubbaland ay soo saareen Liis been abuura oo lagu sheegay Odayaasha Dhaqanka Jubbaland taas oo ay ka horyimaadeen Bulshada Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.