Shirweynaha Ururka dhalinyarada Jubbaland ayaa maanta wajigiisii labaad dib uga furmay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wajiga Labaad ee shirka ayaa looga doodayaa qoridda Buug ay yeelan doonaan dhalinyarada Reer Jubbaland kaas oo mideyn doona dhammaan dhalinyarada laguna diiwaan galinayo istiraatiijidda ay yeelan doonaan.

Qodabkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa baahiyaha gaarka ah ee dhalinyarada Reer Jubbaland.waxa ayna Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xoogga saareysaa xoojinta xiriirka dhalinyarada.

Shirkaan oo socon doona muddo Afar maalmood ah ayaa muhiimad gaar ah siin doona mideynta dhalinyarada Reer Jubbaland waana qodobka sida weyn looga doodayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.