Bulshada Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud oo kulan laqaaday Guddiga Dib u heshiinta Galmudug ayaa waxay sheegeen inaysan ka qayb galeen Shirka Dhuusmareeb ka dhacaya.
Nabadoon Cabdirisaaq Cabdile ayaa sheegay Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisalwasaare Khayre ayaanan heshiis ahayn sidaas darteed heshiiska Galmudug waa in laga hormariyaa Heshiiska Madaxda Dowlada iyo kan Degmada Balanbale.
Ugu dambayntii Nabdoon Cabdirisaaq ayaa sheegay inay Madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaraha midkood yimaado Degmada Balanbale si aan uga Xaajoono dhaliilaha aan ka tirsanayno.
Degmada Balanbale sida quruxda badan oo ay cabashadooda ugu gudbiyeen gudiga dib u heshiisiinta waa ku mahadsanyihiin.
Waa dad dowladnimada Soomaaliya wax badan ku xeerinaayo, gartoodana waa mid xaq ah.
Ra’iisal Wasaaraha hadii uu si degdeg ah u booqan waayo degmada Balanbale, waxaa cad in shacabka degmada Balanbale laga gardaranyahay.
Bulshada Degmada Balanbal waa ka jid leeyihiin Madaxda Dowlada Soomaaliya Balanbal waa degmo kamida Degmooyinka Galmudug in madaxda Dowlada Tagi waayaan waa wax gaf ah oo laqaadan Karin.