Kullan u dhaxeeyay Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta ka dhacay Xarunta Xeer Ilaalinta Qaranka, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
waxaa ka soo qeyb galay kulankaasi Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka, Wasiirka Wasaaaradda Qorsheynta XFS, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Ku-xiggeenada Xeer Ilaaliyaha Guud, agaasimeyaasha iyo qaar kamid ah howl wadeenada labada xafiis.
kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinac ayay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ku soo bandhigtay warbaxin ku aaddan geeddi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka.
Leave a Reply