Akhriso:Taliyihii Qaybta 21aad oo Xilka Laga Qaaday

yuusuf

Wareegto kasoo baxday Xafiiska kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Xilka ka qaaday Taliyihii Qaybta 21aad Sareeye Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaanti iyo Abaanduulaha qeybtaas Gashaale sarre Xuseen Xoosh Nageeye.

Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad ayaa waxaa la magacaabay inuu noqodo Gashaale Sare Cabdicasiis Cabdi Qayre sidoo kale Abaanduulaha Qaybta 21aad ayaa waxaa isna loo magacaabay inuu noqdo Dhamme Aadan Siyaad Cabdi.

Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaanti ayaa waxaa loo bedelay,isla markaana laga dhigay Taliyaha Ururka 38 aad ee Taliska Guud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.