Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha dowlad Gooleedka Jubbaland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxtinimada maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland.
Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn Guddiga Doorashooyinka ee Axmed madoobe magacaabay kuwaas oo aan dhex dhexaad ahayn waxaana loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo Guddigaan lana magacaabo Guddi Cusub.
Waxaa kaloo ay Codsadeen Musharaxiinta in Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan Doorashada.
Leave a Reply