Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee gobolka Badhan (Sanaag) Guray Cismaan Saalax iyo Ciidankiisii ayaa ka baxay Somaliland, waxayna ku biireen Puntland, Sidoo kale Guddoomiyihii degmada Badhan Cabdalle Cabdi Faatax iyo Tiyihii ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ayaa iyana ku biiray Puntland.
Xerada ciidamada Somaliland ee Badhan ayana laga taagay calanka Puntland.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ‘Deperani’ oo arintaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Puntland”.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan somaliland ay ku biiraan Puntland.
Leave a Reply