Magaalada Dhuusamreeb ee Caasumada galmudug waxaa gaaray Maanta Diyaarado siday Ciidan, hub farabadan iyo Gaadiidka Gaashaaman.
Diyaaradahaan ayaa waxaay wadeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Saanad Ciidan kuwaas oo ka yimid Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.
Ciidamadan ka tirsan dowladda Soomaaliya ee saakay la geeyay Magalaada Dhuusamareeb oo ah qeybtii labaad ayaa waxaa ay daba socdaan xilli shalay Magaalada Dhuusamareeb laga soo qaaday Ciidamo ka tirsanaa Booliska Ahlusunna,kuwaas oo la sheegay in Muqdisho tababar loogu furi doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixinaysa sidii uu u qabsoomi lahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug. Muran iyo isjiid xoogan ayaa ka taagan dhismaha maamulka Galmudug, xili khilaafka ka dhex jira beelaha dega galmudug uu mararka qaar isbadalayo.
Leave a Reply