
Guddoomiya Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa maanta Furay soo galidda Imtixaan Tacliimeedka 2019/2020 kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed xarumaheedi kaladuwan, kaasoo maanta ay u fariisteen 2,400 oo arday Afarta Xarumood ee Jaamacadda Umadda. Ardada cusub ee maanta u fariistay soo galidda Jaamacadda Umadda ayaa ku galaya Imtixaanka Afarta Xarumod ee Jaamacadda oo ku kala yaala.
1- Xarunta Galmudug, Caabudwaaq
2- Xarunta KM4
3- Xarunta Gahayr
4- Xarunta Shabelle, Xamarwayne
Guddoomiyaha oo ku sugan Xarunta Jaamacadda Umadda Faraceeda Galmudug ee Caabudwaaq ayaa ugu duceeyay Guud ahaan Ardada maanta u fariisanaysa imtixaanka in uu Alle u fududeeyo.















Leave a Reply