Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Go’aankan ayaa la xiriira hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo gaar ahaan kuwa ka imaanaya dalka Kenya oo marar badan si qarsoodi ah ku keenay Masuuliyin ka socday Dalka Kenya.
maamulka Jubbaland ayaa horay u soo saaray amar uu kaga mamnuucay diyaaradaha inay ka soo degaan garoonka Kismaayo, intii lagu guda jiray doorashadii Axmed Madoobe.
Go’aankan ay qaadatay Dowlada Soomaaliya ayaa ah mid lagu hubinyo dhaq dhaqaaqyada diyaaradaha ka dega magaalada Kismaayo oo aan waxba laga ogeyn
Leave a Reply