
Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa goordhaweyd gaaray magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Ciidamadaan ayaa kasoo baxay Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaana magaaladda kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyne farabadan.
Wasiirka amniga dowladda federalka Maxamed Abuukar Islow ayaa shalay sheegay in ay tagaan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb ciidamadda AMISOM waxaana shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb taliyaha ciidamada AMISOM.


Leave a Reply