Daawo:Axmed Madoobe oo aan soo xaadirin kulan looga hadlaayey Xarigii Wasiirka Amniga Jubbaland

janan

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa Shir deg deg ah ku yeeshay Guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay xariga Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan oo shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,xili uu Transat u ahaa Addis Ababa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga amniga Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in xariga Wasiir Janan uu yahay mid aan raad ku laheyn sharciga, xuquuqda Mas’uuliyiinta Xasaanada leh iyo xaqa Muwaadinka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.