Dhuusamareeb:Diyaarado sida Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka dagay Garoonka Diyaaradaha

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa sheegayaan inay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ay ka dageen Diyaarado sida Ciidmada AMISOM ah gaar ahaan kuwa Itoobiiya.

Diyaaradahaan ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 6 Diyaraadood oo siday Saanad iyo Ciidamo kamida ah Kuwa Amisom.

Horay waxaa Magaalada Dhuusamreeb usoo gaaray Ciidamada Dalka Jabuuti oo ka tirsan Ciidmada Nabad Ilaalinta Soomaliya.

Ciidamadaan kala duwan ee ka tirsan AMISOM ayaa Ujeedka u yimaadeen Magaalada Dhuusamreeb waxay yihiin sidii ay usugi lahaayeen Amniga deegaanada Galmudug maadama Doorasho dhawaan ka dhici doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.