Sawiro:Ergadii Degmada Cadaado ee ka qayb galaysay shirka dib uheshiisinta Galmudug ayaa soo gaartay Magaalada dhuusamareeb

Ergada degmada Cadaado uga qaybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka G/Mudug ee magaalada dhuusamareb.

Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-uheshiisiinta, Waxgarad, Eegadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhusamareb qaybaheeda kala duwan.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee Dh/mareeb Max’ed Cabdi Max’ed  wuxuu intaasi ku daray in Xubnaha ergada Cadaado ee maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareb la dajiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug.

Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambaysay ee furitaanka shirka dib- u heshiisiinta  waxaana haatan ku sugan dhammaan Ergooyinka.ka qaybgalaya shirka.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.