Ciidamada Xooga dalka oo Deegaano cusub kala wareegay Shabaab

Howlgallo ay ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen xadka labada Shabeelle ayeey kula wareegeen deegaanno maleeshiyada Al-shabaab ay dadka shacabka lacago baad ah uga qaadan jireen.

Meelaha ay Ciidamadu kala wareegeen argagixisada Al-shabaab waxaa ka mid ah Kaxarey,Busley iyo  tuulooyin kale oo ku yaalla xuduuda Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe,kuwaasi oo khasaaro  xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyada.

Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Korneel Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay la wareegeen dhammaan tuulooyinkaas, isagoo tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gubeen gaadiid maleeshiyadu ay lahaayeen, isagoo sidoo kale tilmaamay in tuulooyinka Ciidamadu ay ka xureeyeen maleeshiyada Al-shabaab ay shacabka dhibaato xooggan ugu geysan jireen, waxaana uu sheegay in shacabku si weyn usoo dhaweeyeen Ciidamada Qaranka ee naftooda u huray in ay Cadowga ka dul qaadaan Shacabka Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.