Shirkii Dib u heshiisinta Galmudug oo la sheegay xiliga uu furmaya

Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhowaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono Maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishaan Septembar.

Mudane; Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Magaalada Dhuusamarteeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shir lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.