Daawo:Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la dardaarmay Saraakiisha iyo saraakil xigeedanada

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa manta la kulmay saraakiisha, saraakil xigeenada iyo guud ahaan Ciidanka Asluubta.

Kulankasi waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha amniga, xanaaneynta , ka war qabidda maxaabista iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah shaqo maalmeedka.

Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil ,saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta ,isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka.

Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta waxa uu manta Kormeeray xafiisyada ay ku shaqeyaan saraakiisha Ciidanka Asluubta .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.