Daawo:Ergada Xeraale oo si diiran dhuusamareeb loogu soo dhaweeyey

 Ergada Xeraale uga qayb geleysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta waxa ay soo gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxaana magaalada bannaankeeda uga hor regay guddiga qaban-qaabada shirka, xildhibaanno iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaxa XFS. 
Nabadoonnada hoggaaminayay ergada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyay sida uu isaga xil saaray in magaalada Dhuusamareeb ay noqoto magaalo dadka dhan u dhexeysa oo lagu qaban karo shir dib-u-heshiisiineed oo looga hadlo aayaha Galmudug.  


Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in reer Xeraale ay aqbaleen casuumaadii guddigu u fidiyay kadib  markii la fuliyay shuruuddii ay ku xireen oo aheyd in Dhuusamareeb marka hore laga dhigo magaalo loo simanyahay.    


Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo habeenkii labaad caawa ku hoyanaya Dhuusamareeb ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee loogu gogol xaarayo dhismaha Galmdugu loo dhanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.