Musharaxnimada Odawaa ma Yaab baa mise Indho adayg?

Waa su’aal da weyn oo madaxa daalineysa runtii markii aan arkay kooxda caanka ah ee magacyada badan leh ee ku caan baxay curyaaminta danaha ummadda Soomaaliyeed oo ubaxyo u suraaya qoorta wasiirkii hore ee arimaha gudaha DFS oo ah shaqsi aan ku cusbeyn saaxada siyaasada shacbiguna aad u wada yaqaan,Ayaan ku wareeray wax aan ku tilmaamo wax badan markaan rogrogay talo waxay ila dhaafiweydey in anan aamusin waxaana bilaabay qormadaan aan cinwaanka uga dhigay madaxa sare(the above Heading).

Marka hore aan ku bilaabo kooxda dabada ka riixaysa Odawaa magacyadooda oo ah kuwaan;-

  1. Kooxda Damu jadiid
  2. Kooxda qabyo
  3. Kooxda ardaydii  Korneyl Gabre.
  4. Kooxda qiyaamo qaran
  5. Kooxda musuqmaasuqa.
  6. Kooxda u adeegida shisheeyaha iyo cadawga lugaha ku dhigan qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan maqli jirey (MAGACYO MADANAA MA HAL BOOLIYAHAA?)ama (SUMADA MADANAA MA HAL BOOLIYAHAA?)Soomaalidu geela waa kala dhici jirtey oo dhaqan bay u lahayd,neefka geelaa hadba xerada uu galo sumad horleh  baa lagu dhigaa oo cida loo yaqaan,magac horlehna waa loo bixiyaa,waxaa suuragal ah in toban sumadood iyo toban magac hashaasu soo marto,waana tan keentay in lagu maahmaaho (HAL BOOLIYA NIRIG XALAALA MA DHASHO), waayo si kasta oo aad sumada uga badeshid iyo magaca marna xalaal noqon meyso xalaalna dhalimeyso,sidaas awgeed waxaan is weydiyeey arimahaan;-

1-Dhib ninkii dhaliyey garsoore ma ka noqon karaa?

2-Bukaanku cudurka uu qabo ma mid kale baa loogu sii daraa mise waa laga daaweeyee?

3-Buruskii ama dubihii Korneyl Gabre adeegsaday mar kale Galmudug ma u adegsan karnaa?

4-Miyeysan noo muuqan maamuladii uu noo dhisay Macalin Korneyl Gabre oo tiinbaraha iyo saxiixa uu lahaa Cabdiraxmaan Odawaa halka ay ku denbeyeey sida Hirshabbeelle,Koofurgalbeed ,Jubalaand iyo Galmudug. ?

5-Dib u dhac iyo kala bixiwaa ilaa kor iyo hoos ah waxaan ahayn ma ka dhaxalney?

6-Dhibaatadii ay abuureen Macalin Kornel Gabre iyo ardeydiisu oo intii badneyd aan daaweyney miyaan soo celinaa ama soo nooleynaa?

Isku soo wada duub Kooxda magacyada badan waxaa nooga filan arimahaan;

1-Waa soo tijaabiney oo hantidii maguurtada  ahayd ee qaranka baa ku maqan oo aan wada xasuusano waxa ka badbaadey yahay baarlamaakii hore ee qaranka oo beecintiisii baarlamaankii iyo shacbiguba ka gubtey,kana badbaadiyeen.

2-Taageerada Axmed Madoobe iyo Keenya ay la garabtaagan yihiin.

3-Curyaaminta tilaabo kasta oo qaranku horey u qaadaayo oo ay ugu denbeyso waxa ka socda Galmudug iyo Jubalaand.Bal hoos ka degeysta xubnaha ka tirsan ee ugu muhiimsan ,Sanbaloolshe iyi Faarax Cabdulqaadir wareysiyo lala yeeshay.

Intaas nagu filan (ENOUGH IS ENOUGH)Galmudud waa lafdhabarka qaranka Soomaaliya,shaqsi Kooxdays ka tirsan haddii loo gacangeliyo waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhabarka laga jebiyey cadawgeeduna ka adkaaday.Waa dardaaran aan siinaayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacbiga Galmudug,

Wabilaahi Towfiiq(qaybiya haddii aad akhrisaan)

Jimcaale

London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.