Dhageyso:Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga Dacwadii Badda Somalia iyo Kenya

uhurro

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Fiqi oo wareysi siiyey Radio Muqdisho goor dhow ayaa sheegay in Maxkamada ICJ ay dib u dhigtay mudo laba bilood ah.

Danjire Cali Fiqi ayaa sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto bisha November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar.

Safiirka ayaa muujiyey in Maxkamada ICJ ay ka xun tahay go’aankan balse ay ku gaartay codsi ka yimid Dowladda Kenya kaasi oo ay ku codsatay in dacwada dhageysigeeda dib loo dhigo mudo Sanad ah balse Maxkamadda aanay ka ogolaan.

Go’aankan Maxkamadda ICJ kasoo baxay ayaa ka dhigan in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay.

Hoos ka dhageyso Codka Safiirka oo lahdlay warbaahinta Qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.