Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee hey’adda UNHCR ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda Qaramada Midoobey ugu xilsaarran qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan(UNHCR) xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Johann Siffointe, oo wareejiyay caddaymihiisa aqoonsi wakiilnimo.

Wasiirka waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNHCR si kor loogu qaado howlaha bini’aadanimo ee UNHCR ay ka fuliso gudaha dalka, isagoo tilmaamay in la hubiyo in si mutadawacnimo ah dib loogu soo celiyo dalka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo Yemen iyo in la isku dayo in la abuuro jawi sare oo hagaagsan iyo sare u qaadida heerka nololeed ee dhammaan Soomaalida.

Waxa uu ka dhawaajiyay baahida loo qabo in la isku duwo dadaallada dhammaan mas’uuliyiinta Soomaalida iyo UNHCR si loo gaaro ahmiyadaha ugu sarreeya ee bina aadminimo ee dib-u-dajinta dadka soo gurya-noqonaya iyo in la siiyo taageerada lagama maarmaanka ah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, Agaasimaha Habmaamuuska, AVV. Xirsi Xaaji Culusow, Kuxigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Mudane Takeshi Moriyama iyo mas’uuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.