Booliiska oo hakiyay bixinta warqadda dembi la’aanta ee (CID) laga qaato

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay hakin lagu sameeyey bixinta warqadda Dembi la’aanta ee laga qaadan jiray xarunta Hay’adda dembi baarista ee (CID).

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay so dhigtay barteeda Twitterka kaga hadashey sababta loo hakiyay adeegaasi.

“Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed,waxaa dhammaan shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqadda dembi la’aanta,taasoo uu bixiyo hoggaanka(CID),muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan aan ku sameeyno nidaamka helista warqadda dembi la’aanta”.ayay tiri Janaraal Sakiya.

Janaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa fariin u dirtay shacabka,taasi oo ay kaga codsanayso in ay dulqaad muujiyaan inta howshaasi ay hakadka kujirto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.