Dowladda Soomaliya oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad ku dhaawacmay Qarax miino oo ay dhigeen Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka ka saaran shacabka Soomaaliyeed ayaa gurmad u fidiyay dad ku dhaawacmay degmada Aw-dheegle ka dib markii ay ku qaraxday miino kuwa dhulka ah oo ay ka dambeeyeen argagixisada Al-shabaab.

Dhaawacyada dadkaasi shacabka ah oo haatan lagu dhabiibayo magaalada Muqdisho ayaa yimid xilli degmadaasi ay ka socdeen olole nadaafadeed oo ay horsed ka ahaayeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose .

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in qarraxaasi ay ku dhaawacmeed 7-ruux,halka ruux kale uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista dhira loo yaqaanno keligii noolaha ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle,kadib markii laga xoreeyay magaaladaasi argagixisada Al Shabaab.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe waxaa ku sii xoogaysanaya howlgalada ay wadaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ololaha shacabka ay isaga dul qaadayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.