Sawiro:Deni oo ergo udirsaday Muqdisho kadib markii uu Siyaasadeeyey Mustaqbal Ardayda Puntland

Madaxwaynaha Puntland saciid Cabdulaahi Deni ayaa waxa uu siyaasadeeyey Mustaqbal Ardayda Puntland kadib markii uu diiday inay Puntland ka qayb qaadato Imtixaan Guud ee ardayda Soomaliyeed kaas oo qaadaysay wasaarada waxbarashada Soomaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa , oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa maanta xafiiskiisa wada-hadal kula yeeshey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre,iyada oo wadahadallada diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa cabashada Ardayda Puntland ee shahaahada Dugsiga sare. Kullanka ayaa is-afgarad ku dhammaaday, waxaana wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida ugu dhow ee Ardayda Puntland ay shahaadada ku heli lahaayeen. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa uga mahadceliyay wasiirka waxbarashada ballanqaaday ku aaddan inay Ardaydu heli doonaan shahaahada dugsiga sare,isaga oo markaa caddeeyay inuu labbo laabi doono dadaallada xalka kama dambeysta ah looga gaarayo cabashada shahaadada ee Ardayda Puntland.

This image has an empty alt attribute; its file name is 20190907_145256-1024x683.jpg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.