Sawiro:Wasiirka Wabarashada Soomaaliya ayaa ka dhagax dhigay Iskuulo Magaalada Baladwayne

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare ayaa waxuu ka dhagax dhigay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan laba dugsi hoose dhexe ah oo laga hirgelinayo xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.

Dhagax dhiga labada Dugsi oo Mahiim ugu ah Bulshada Hiiraan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdulaahi waare iyo Masuuliyiin ka socota Maamulka Hirshabeele.

Wasiir Goodax ayaa yiri Magaalada Beledweyne marka laga soo tago caasimadda dalka waa magaalada ugu ardayda badan sidaas daraadeed mashruucaan wuxuu diirrada saari doonaa in ubadkeenu helaan waxbarasho bilaash ah tayadiisuna ay aad u sarreyso.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay fududeynta dhagax dhigan oo ay ugu horreyso Duqa Magaalada Beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.