Soomaaliyey Ogoow Dhaawacii Burburka Naga soo gaaray oo Buskood ku dhaw

dastuurka

 SOOMAALIYEEY OGOOW DHAAWICII BURBURKA NAGA SOO GAARAY OO BUSKOOD KU DHAW  DOOGTIISII FEDERAALKA BAA SOO KICIYEY.!!!

Aan ku bilaabee (DOQONI HALKII LAGA QANIINEY MA OGA),daqanka dadka Soomaaliyeed baa salka ku haya dhalanteed qabyaaladeed,caruuta baa lagu koolkooliyaa in uu caruurta kale ka fiican yahay,reerka uu ka dhashayna reeraha kale ka sareeyo,wuxuuna ku hanaqaadaa in uu caruurta kale ku yiraahdo(YAAD I MOODAY SOW IN AAN REER QANSAX AHAY MA OGID),waa arin na wada sameysay sal iyo baar waxaana noogu sii liita kuwa in ay waxbarteen aan u qabno ee la doonaayey in ay bulshada wax ka badelaan ee barfasoorada iyo aqoonyahanada sheegta.

Dhanka kale waaya,aragayaga wax badan soo joogay kama faa,ideysto dhacdooyinka qabyaaladu na soo marisay oo waa u xabisan yahay,waxaaba laga yaabaa in wixii foosha xumaa oo qabyaaladu soo marsiisay uu ku faano halkii uu foolxumadooda ka qoomamayn lahaa,Tusaale marar badan baan arkay kuwa oo xataa qaarkood xilalaka dalka u sareeeyaa hayaan ama gobolo in ay madax u yihiin sheeganaaya oo leh dawladii xoogga badneyd ee Soomaaliya nagaa ridney,haddana  waxa jira waa dumineynaa haddaan la yeelin waxaan rabno,asaga oo ay ka maqan tahay waxa uu u dhaaranaayo in ay yihiin wax lala leeyahay ee reerkooda kaliya maskaxda ku haya.

Aad baan ula yaabaa in ayen waxba ogayn ee ay wax is moodsiiyeen,adiga oo ilaah qof kaa dhigay haddii aad fuliso wax cid kale oo dana gaar leh ay wadato oo soo abaabushay adigana dhibkaga iyo baaba,aaga ah,waxa ka imaan  doonana aadan garaney sow liidnimo kuuma aha?

Tusaale,wadada weyn ee magaalo dhex marta hadaad dhinaceeda istaago ishaadu waxay qaban gaadiid kala nooca oo yaacaaya,balse su,aal aan isweydiinee baabuurtu ma ayyadaa iswada mise dad baa wada?Haah jawaabtu waa dad baa wada,waxaan uga goleeyahay wixii Soomaaliya ka dhacay iyo dhibaatooyinka hadda nagu gadaaman inagu ma anaan sameyn ee waa nala ku fuliyey,anaga oo anaan garaneyn waxa ka dhalandoona,tusaale

1-wixii jabhadaha loogu yeeray hadday maskax Soomaaliyeed ku abuurmi lahaayeen waxay lahaan lahaayeen xeer iyo barnaamid shaqeeya marka ay gaaraan halka ay higsanayaan,Isweydiiya maxay rabeen wixii jabhadaha lagu sheegay yaase gadaal ka riixaayey?

2-Yaa si deg deg ah noogu abuuray hoggaamiya Kooxeedyadii?

3-Xaggee ka soo boodeen kooxdiimeeyada magacyada badan hadba la baxaayey ee aan ka dhammaan la,nahay?

4-Dhibaatada ugu weyn ee kala bixiwaa ee tastuurka iyo federaalka todobada madaxweyne ee siman noo sameeyey yaa gacanta noo geliyey?

 Ugu denbayn dhammaan tilaabooyinkaas oo dhan waxay ahaayeen fikir cadaw shisheeye ah ka shaqeeynaayey, gacmaha qaar naga mid ahna ay fulinaayeen.markii aan mid ku baraarugno oo dhibka aragnana mid kale naloo abuuraayey ,isuku soo wada duud arimahaan ma ku sii jiri karnaa;-

1-Dal todoba madaxweyne leh adduunka Soomaaliya baa ka jirta sidaas ma ku jiri karnaa?

2-Odaydhaqameed hawlmaalmeedkii madaxweynaha,resulwasaaraha,wasiirka 

iyo taliyayaashii ciidamada ku haysa ma sax baa?

3-Todoba dawladood oo aan midna xuduuda dalka waxba ka ogayn cidii doontaana iska soo geli karto ma dawladnimaa?

4-Diimo shirki ah in qaybo dalka ka mid ah lagu caabudo daqamo fooxuna laga faafiyo ma loo dulqaadan karaa?tusaale,Garoowe in maalinta Yoogada looga ciido,Naagaha isu galmooda mid ka mid ah xarunta dhaqanka Hargeysa lagu macsuumo oo ay wax ka qorto dumarkeena xijaaban ay cinwaan uga dhigto(HABLIHII QURUXDOODA LA QARIYEY)ma dhawran karnaa?

5-Maalin dhaw oo aan fogeyn in nin madoow oo u dooda in ragu isfaraxumeeyo in mar kale lagu macsuumo xarunta dhaqanka Hargeysa ma dhawranaa?

6-Burburinta Hantida iyo laynta dadka Jubalaand Keenya ka wado ma iska daawanaa?

7-Siyaasiyiinta aan weliba qaar xisaanada siiney ee shisheeyaha intaas oo dhiba nagu wada u shaqeynaa oo mucaaradka sheeganaaya ,xumaantana aanba ka hadleyn ma iska fiirsanaa?

Aan ku soo gunaanado Soomaaliyeey toos oo indhaha fur,ha ku musquulina wax yar oo idinka dhexdiinaa,siyaasiyiinga jaajuusiinta ah ee mushaaraadka ka qaata cadawgeena yey na marin habaabin oo qabiil noogu marin habaabin,(SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH),hadaad dayacdaan cid kale difaaci meyso,cadawga koowaad oo inaad marka hore dishaan idinku waajibey waaFEDERAAL!!!

Wa bilaahi Towfiiq.

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.