Xariga Indhakoray waa Biloowgii Cadaalada!!!

Waxaan umadda u sheegaya maanta in indha kooreey dhagar qabe yahay inkastoo horena loo ogaa taas waan xasuusinayaa oo xaqiijinayaa indhakooreey waxuu horay ugu mid ahaa ururkii burburay ee Al-tixaad 


Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul.

Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya.


Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur Janan wasiirkii hore ee maamulka Jubbaland ayaa wuxuu ahaa shaqsigii Axmed Madoobe u adeegsan jiray dilka siyaasiinta, Aqoonyahanada iyo cidkasta oo ka hor timaada siyaasadda Maamulka Axmed Madoobe iyadoo dad farabadan arimahaas dartood loogu dilay Kismaayo Iyo Gedo.


Indhakorey wuxu si toos ah amarkiisa ugu dilay  in kabadan 38 qof oo shacab ah lawada ogyahay  in kabadan 30meyo  askarta dowlada  ah waxana u isticmali jiray  dilka ragaas Cali Abshir Xasan dheyr, Wali qadhow iyo Rashiid Bohol,  Dadka Qaabka uu ku dili jiray waxa kamid ah qarxin oo ah arin layaab ah

Dadku uu dilay Indhakoray waxa kamid ah Ciise Dheere oo ahaa taliye caan ka ah gobolka Gedo Cali sahal oo ahaa sargaal ka tirsan Booliska sidoo kale Buusaar oo isagana saraakiisha ciidanka kamid ahaa ayaa  lagu tuhunsanyahay inuu ka danbeeyay dilkiisa.

Waxuu ladagalamay Indhakoray Ahlu suna oo qeyb ka aheyd xoreenta gobolka Gedo wuxu gestay danbiyo kabaxsan xaququl insaanka Waxaa ilaa maantadan aan joogna xabsiya ugu jira dhalinyaro badan Kawaas oo sanado Badan iska xiran dhibaatooyin kala duwana looga geysta xabsiga dhaxdiisa sida jirdil iyagoon wax Maxkamad lasoo taagin kuwa kalana lagu xasuuqay  Baledxaawa Doolow iyo Luuq .

Waxaa lagu xasuusta xasuuq uu u geystay dhalinyara askarta dowlada ka tirsanaa oo ka gadooday hab dhaqankiisa kaligi talisnima Kuwaas meel gooni ah dagay Waxuuna ku weeraray amin subax ah gurigi aay daganayeen waxuu goobtaas ku dilay Afar kamid ah askarta halka todoba kala uu dhaawac culus kasoo gaaray iyagoo dhaawacyada qaarkood muqdisho loo qaaday halka kuwa kalana doolow la geeyay lana sheegay inuu askartiisa ku amray inaay dilaan oo aay isbitaalka kasoo bixin ragaas Sidaasna lagu dilay.

Dadka kale ee uu layay waxa kamid ahaa odayaal iyo wax garad aan soo wado Magacyadooda Xariga indha korey waa mid lawada sugayay waana talaba la rabay inay kuwana qataan kuwa isaga lamidka ah dalka dowlad dhaxe ayuu leeyahay soomaliya soomali baa leh Cabdirishiid indha korey oo ah dhagarqabe wayn oo xasuqay boqoalal shacab iyo  cidanka xooga dalka ah Wuxu dhac iyo boob u geystay Dadka Ku dhaqan waqooyiga gobolka Gedo deegaanada Daawo.

 Hadaba Maxa lagudboon dowlada Waxa ka Codsanayaa dowlada dhaxe ee Soomaliya in Cabdi Rashiid indha kooreey la horkeeno  maxkamada Ciidamada Cadaalada la marsiiya ninkaas Waxii aay makxamada ku xukunta uu mara maadaama uu dilaa yahay shacab badan laayay kuwa kalana ka bara kiciyay guryahooda.


Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in laso qabto dadka uu u isticmaali jiray dilalka sharci darada ah sida Cali Abshir xasan dheyr  wali qadhow iyo Rashiid bohol oo wali wada dhibaateenta shacabka ku dhaqan magaalada Balad xaawo kuna qasbaya inaay mudaaharaadya lagu taageeraya indha kooreey sameeyaan, 

Waxaa qoray Abdullahi Sheekh Cumar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.