Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Maanta gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa hor dhac u ah Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo la filaayo in magaladaasi ay garaan saacadaha soo socda ee maanta.
Shalay ayaa degmada Xudur waxaa gaaray wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa mashaariicyo hormarineed, isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfurgalbeed.
Leave a Reply