Guddoomiye Mursal oo la kulmay dhigiisa Dalka Turkiga

Gudoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa Turkiga Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha iyadoo guddiyada labada baarlamaan ay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, sidoo kale waxaa aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaalaha Baarlamaanka sidaas waxaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee (BJFS)

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac Ayaa Gudoomiye Mursal ku casuumay dhigiisa in uu yimaado Soomaaliya.

Gudoomiya Golaha Shacabka oo safar shaqo u jooga dalka Turkiga ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada Baarlamaanka iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka in ay helaan tababarro iyo booqashooyin qibrad isdhaafsi ah.

haafsi ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.