Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Casho Sharaf ugu Sameyey Madaxweyniyasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Casha Sharaf ugu Sameyey Madaxweyniyasha Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed Iyo Hirshabeele kaasi oona ahaa Sidii Wada Shaqayn Wanaagsan ay udhexmari lahayd Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen )ayaa Uga Mahadceliyey Gudoomiyaha Casha Sharafta uu Usameyey Waxaana uu Tilmaamay Kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahaan in ay kala Shaqayn Doonan Sidii ay iska Kaashan lahayeen Hormarka iyo Nabadaynta Caasimada Dalka iyo Sidii Xariir Dhow ay uyeelan lahayeen Maadama Caasimada Soohin ay la leedahay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Tilmaamay in Gudoomiyihii Hore ilaah Haunaxariste Eng Yariisow kala Dhexeyey Wada Shaqayn Wanaagsan iyo Sidii Kaalin muuqata ay uga qaadan lahayeen Sidii Shacabka Somaliyeed ee In ka badan 27 Sano Dhibaato Soo Maray ay Usamata Bixin lahayeen Waxaana uu Bogaadiyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir in uu Sidi Wado Shaqadii ad kayd ee ka Geeriyoodey Ilaah Haunaxariiste Eng Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa Sido kale Gudoomiyaha Uga Mahadceliyey Sida Wanaagsan ee Ucazuumay Waxaana uu Tilmaamay in kan Dowlad Goboleed ahaa Si Dhow ay ula Shaqayn Doonan Mamulka Gobolka Banaadir
maadama Hirshabeele Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir ay yihiin Gobolo Deris ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.